Join Us On Facebook Join Now!

Ha U Caroon Waqtiga Iyo Calaf Waxaad Ku Weydo

waqti

 


Ha U Caroon Waqtiga Iyo Calaf Waxaad Ku Weydo

Wqtigu Waa Socdaale Aan Dib U Laaban, Calafkuna Waa Qoraal Aan Qofna Wax Ka Beddeli Karin. Waxaa Laga Yaabaa In Aad Mnty Maskaxda La Jiitamaya: Mxaan U Waayay? Mxay Iga Raageen? Mxaa Intaas La Ii Sugayaa? Laakiin Wxaa Oo Idil Ma Is Leedahay Jawaab Bay Leeyihiin, Mise Waa Hadal La Iska Dhahay Uun?

Wxaa La Yiri, Waqtigu Waa Daawo, Balse Mararka Qaar Waa Dhaawac. Wuu Ku Bogsiin Karaa, Wuuna Ku Xoojin Karaa, Hase Yeeshee Wxuu Sidoo Kale Kaa Qaadi Karaa Wax Aad Jeclayd, Wuxuuna Kugu Qasbi Karaa Inaad Aragto Wax Aadan Rabin. Waa Mclin Aan Naxariis Lahayn, Ku Cashar Baraya Xilli Aad Dyr U Ahayn. Mararka Qaar, Wuxuu Kugu Khasbayaa Dulqaad, Xanuun, Sugitaan, Ama Xitaa Inaad Barato In Aamusnaanta Iyo Aqbalaadu Ay Yihiin Fureyaasha Badbaadada.

Waxaad Arkaysaa Dad Riyadaada Mid La Mid Ah Ku Gulystay, Adiguna Wali Waxaad La Hardamaysaa Jid Aanad Garanayn Halka Uu Ku Dhammaan Doono. Waxaa Laga Yaabaa In Aad La Murugooto Fursado Kaa Lumay, Dad Kaa Tagey, Iyo Rajooyin Aan Muuqan Lkn Yaa Kuu Ballan Qaaday In Guushu Degdeg Ku Imanayso? Yaase Kuu Xaqiijiyay In Wxa Aad Raadineyso Heleysid!?

Waa Maxay Waqtigu? Waa Maxay Calafku? Waa Labo Shay Oo Isku Milmay, Oo Haddana Kala Fogaaday. Noloshu Wxaad Isku Arkeysaa Inaad Lumisay Wax Aad U Halgantay, Ama Aad Sugysay Wax Aanay U Muuqan Inay Kuu Imaanayaan. Laakiin Ogow, Wqtigu Wuu Beddelaa Wax Kasta. Wxaa Laga Yaabaa In Waxa Aad Maanta La Tacaaleyso Uu Berri Kuu Noqdo Xasuus Aad Ka Qososhay. Waxaa Laga Yaabaa In Waxa Aad Hadda U Ooyayso Ay Berri Kaa Noqdaan Wax Aan Qiimo Bdn Kuu Lahayn.

Ha U Caroon Waqtiga Iyo Calafka. Waqtigu Ma Ahan Cadowgaaga, Wx Aad Rabto Haddii Uu Calafkaagu Qoro, Wuu Kuu Imanayaa Mararka Qaar Wuxuu Ku Qaadaa Meel Aad Rabtay, Marna Meel Aadan Fileyn. Lkn Ogow, Wax Walba Xilligooday Imaanyan Kuwa Imanaya Iyo Kuwa Tagaya Lbaduba Waa Qayb Ka Mid Ah Safarkaaga.

Getting Info...

Post a Comment

Thanks 👋🏻
Cookie Consent
We serve cookies on this site to analyze traffic, remember your preferences, and optimize your experience.
Oops!
It seems there is something wrong with your internet connection. Please connect to the internet and start browsing again.
AdBlock Detected!
We have detected that you are using adblocking plugin in your browser.
The revenue we earn by the advertisements is used to manage this website, we request you to whitelist our website in your adblocking plugin.
Site is Blocked
Sorry! This site is not available in your country.