Join Us On Facebook Join Now!

Xalqada 2Aad Ee Fahanka Guud Ee islaamka (Dhameystir)

Akhriso Xalqada 1Aad

Xalqada Labaad Fahanka Guud Ee islaamka

Waxa Aynu Aragnaa Dadka Qaar oo iska diidaya in maalinta jimcaha khudbada uu jeediyo qof Takhasuskiisu uu Yahay dhaktar ama mid kale oo bartay culuumta aan diiniga aheyn isla markaana ku doodaya in dhakhtarka takhasuskiisa iyo Aqoontiisu toona aheyn in uu misaajidka ka khudbadeeyo ,Ee ay thay in uu joogo rugtiisa caafimaadka oo uu Halkaas ku daaweeyo cidii xanuunsanaysa Ee u timaada, doorkiisa noolushuna uu yahay kaas o keliya ! Ka sidaas aaminsanaw, ma isweydiisay, waa maxay xikmadda uu islaamku minbarka ugu sameeyey masaajidka ?

Masaajidka

Masaajidku miyaanu ahayn goob waxbarasho , goob dadka khayrka loogu jiheeyo , goob lagu dhiso hiddaha(Saqaafadda), Wacyiga , ogaalka iyo Aqoonta ummadda ? Miyaanu Qof Kasta oo Aqoon goonni khabiir ku ahi xaq u Laheyn in uu ka khudbadeeyo minbarka masaajidka oo uu ka jeediyo wacdi ku saabsan aqoonta uu khabiirka ku yahay ee xidhiidhka la leh dhacddoyinka dhacay todobaadkii la soo dhaafay , si masaajidku uu u noqdo goob ummadda laga dhiso dhan walba oo nolosheenna ka mid ah ? 

 Haa! waa sidaas xikmadda iyo ujeedada uu islamaku u sameeyey minbarka , waana qaabka aynnu nolosha ugu celin karno masaajidka, isla markaana aynnu misaajidka ugu celin karno nolosha . 

 ilaahay(سُبْحَانَهُ وَتَعَالَى) waxa uu innagu galladay fursad weyn oo aynnu dhamaan dhaqdhaqaayadena nololeed kaga dhigi karno cibaado isaga u sugnaatay

Tusaale

 in aad soo booqato qof xanuunsanaaya waa cibaado Madadaalinta wanaagsan ee Aan ku talaxtaga Laheyn Ee walaalkaa Aad wakhti la qaadataa waa cibaado. Farxda iyo wanaagsiinta qof kale waa cibaado In Aad U Dhoollacadeyso saaxibkaa marka aad kulantaan waa sadaqo. Hadal wanaagsan in Aad dadka tidhaahdaa waa sadaqo Wanaag kasta oo aad sameysaa waa sadaqo , Wanaag kasta oo Aad samaysaa waa sadaqo . Ilaalinta Carrurta iyo wanaag u Sameeyntooda waa sadaqo Ciyaarta iyo jimicsiga Aan ku talaxtagga ahayn Ee ujeedada cayiman iyo niyadda wanaagsani ay la socoto waa sadaqo . sidaas oo kale fiisashada iyo ku wanaa-qaadashada bilkeedidda kawniga ah ee Ilaahay - sida dhuulka , buuraha , badaha, webiyada iyo cirku - waa sadaqo . Ka fekerista Aayadaha Ilaahay waa cibaado. Haddi cibaadooyinka ficilka Ah ee aad Samaysaa ay yar yihiin, khayr-jeclaysiga iyo wanaagga niyaddadu yaanu yaraanin, oo yacnii; hadii Aad sujuuda salaada gaabiso, waa in niyad ahaan qalbigaagu uu sujuudsan yahay noloshaada oo Dhan.

Haa, Waa sidaan sida diinta islaamku ina faraysa. wallaahi waxa aynu diinta duminay oo aynnu baabi'inay markii aynnu ku xidhnay masaajiddada, ee waliba aynu ku Qafilnay 

Fahankii diineed ee uu la yimi rasuulkii ugu danbeeyay ee Ilaahay uu soo diray waxa uu ahaa Fahan dhammaystiran. Fahan dhammaystirkaan waxa uu habaynayaa oo uu isu- dheelitirayaa nolosha qofka, qoyska, bulshada iyo dhammaan danaha ummadda oo dhan. 

Islaamka 

Islaamka ayaa ah waddadii saxda ahayd ee nolosha, sinaba suurtagal uma aha in la kala kexeeyo nolosha iyo diinta Islaamka. Diinta Islaamku waa xadhigga isku haya waajibaadka Ilaahay, sida salaadda, sakada, soonka iyo iwm, iyo waajibyada iyo masuuliyadaha bulsheed, kuwaas oo aynnu saamayntooda ka dhex'aragno nolosha aadamaha ee maalinlaha ah. Tani waa dhammaystirankii kuweenii hore ee wanaagsanaa ay ku tilmaameen in ay ahaayeen kuwo cibaadaysta habeenkii, maalintiina noloshooda raadsada, yacnii; waxa ay ahaayeen kuwo aan waajibyadooda adduunyo iyo kuwa aakhiro midna aan ka gaabin jirin. 

Ummad jabtay ayaynnu nahay'e, bal Maynnu fahmi lahayn macnaha guud ee (لا إله إلا الله) "Ilaah xaq lagu caabudaa ma jiro Ilaahay mooyaane." Habboonaan lahaydaa in aynnu dhammaan nolosheenna u jihaynno xagga Ilaahay, dhammaan hadalka iyo ficilkeennana maynnu ka dhigno kuwo ku qotoma muuqaal ka mid ah muugaallada cibaadada Ilaahay, sidan haddii aynnu samaynno waxa aynnu noqon lahayn kuwo xaqijiyay macnaha Dhameystiran Ee  (لا إله إلا الله)  

Cidda ku-dayashada mudan ee ay tahay in aynnu ku dayannaa way caddahay, oo tusaalaha ugu mudan ee ay tahay in aynnu ku dayannaa waa macalinkii basharka, Maxamed (صلى الله عليه وآله وسلم), waxa aan ogahay in aynaan si dhammaystiran oo boqolkiiba boqol ah ku-dayashada rasuulka u xaqiijin karin, yacnii; khalad wuu inaga dhacayaa, oo waynnu ka gaabinaynaa, laakiin waxa aan si dhab ah u ogahay in ay waajib inagu tahay in aynnu dedaalnaa.

Gunaanad

"Aynnu Si Wada jir Ah U Xoojino Diinteena islamaka , Aynu Dhaxal Wanaagsan ugu Tagno Ubadkeena Beri "

Getting Info...

Post a Comment

Thanks 👋🏻
Cookie Consent
We serve cookies on this site to analyze traffic, remember your preferences, and optimize your experience.
Oops!
It seems there is something wrong with your internet connection. Please connect to the internet and start browsing again.
AdBlock Detected!
We have detected that you are using adblocking plugin in your browser.
The revenue we earn by the advertisements is used to manage this website, we request you to whitelist our website in your adblocking plugin.
Site is Blocked
Sorry! This site is not available in your country.