Join Us On Facebook Join Now!
Posts

Dhaxalka Jiilasha: Hagida iyo Hanuuninta Jiilka Soo Koraya

Bismillah

Hooyo; erey yar oo ka kooban xarfo, balse xambaarsan macne weyn. Hooyo, waa asaaska qoyska, waa tiirka koobaad ee bulsho caafimaad qabta. Waxaa naga dhexeeya deyn aan la koobi karin, jacayl aan xadidneyn, iyo daryeel joogto ah.


Maanta, waxaan rabaa inaan idin ku baraarujiyo "Dhaxalka Jiilasha: Hagida iyo Hanuuninta Jiilka Soo Koraya". Hooyooyin, markii aan dhahno dhaxal, maxaa maskaxdaada ku soo dhaca? Ma hanti? Ma magac? Maya, dhaxalka ugu weyn ee aan jiilkeenna siin karno waa tarbiyad suuban, aqoon, iyo diin saafi ah.


Inagoo ku nool dunida casriga ah, meesha tiknoolajiyadu ku hareereysan tahay nolosheena, waxaa habboon inaan caruurteena siino qalabkii ay kaga gudbi lahaayeen caqabadaha haysta. Aqoonsiga dhaqankeena, fahamka diinteena, iyo barbaarinta wadaniyadda waa muhiim.


 Hagida iyo Hanuunin:


Dhaqanka iyo Diinta:Waxaa lagama maarmaan ah inaan caruurteena baro qiimaha dhaqankeena soomaaliyeed iyo barashada diinta Islaamka. "Ilmuhu waa sida warqad cad, wixii aad ku qorto ayuu qaadaa." Aan ku qorno wanaag, aqoon, iyo diin.


Waxbarashada:Dhiirrigeliya oo ka caawiya caruurtaada sidii ay u gaari lahaayeen himilooyinkooda waxbarasho. Waxbarashadu waa furaha nolosha, waa dhaxalka aan marnaba duugoobeynin.


Wadatashi iyo Wadaag: La wadaaga caruurtaada sheekooyinkaaga, waaya-aragnimadaada, iyo riyadaada. Ku dadaal inaad dhageysato riyadooda. "Tacliinta waa loo siman yahay, balse waxbarashada noloshu waa dhaxaltooyo."


Adeeg iyo Waxqabad: Ku barbaariya inay noqdaan muwaadiniin waxtar leh. Aan barano in daryeelka bulshada iyo u adeegidu yihiin qaybo ka mid ah dhaxalkeenna. "Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan."


Hooyooyin, xilka naga saaran barbaarinta iyo hagida caruurteenu waa mid aan ku xejin karno jacayl, daryeel, iyo duco. Aan u noqono tusaale, aan u duceyno, aan gacan qabano.


Ilaahay ha inoo fududeeyo mas'uuliyaddan weyn. Aan guntiga dhiisha isaga dhigo, kuna dadaalno sidii aan dhaxal suuban ugu tagi lahayn jiilka soo koraya.


Wabillaahi Towfiiq,


Waad mahadsan tihiin.

Getting Info...

Post a Comment

Thanks 👋🏻
Cookie Consent
We serve cookies on this site to analyze traffic, remember your preferences, and optimize your experience.
Oops!
It seems there is something wrong with your internet connection. Please connect to the internet and start browsing again.
AdBlock Detected!
We have detected that you are using adblocking plugin in your browser.
The revenue we earn by the advertisements is used to manage this website, we request you to whitelist our website in your adblocking plugin.
Site is Blocked
Sorry! This site is not available in your country.