Join Us On Facebook Join Now!

Fahanka Guud Ee islaamka

Fahanka Guud Ee islaamka

😞 😞 😞

Dib Ayuu U Celiyay Xasuustiisa Afartameeyo Sano ..

Si Uu u Daawado xasuusta ka buuxda qalbigiisa Ee aanu hilmaami Karin Waxaa Markiiba horyimi dadka ku jira misaajidka Ee Aanay iswaafaqsanayn dhaqankooda, 

marka ay misaajidka Ku jiraan iyo marka ay suuqa joogaan .

Waxa uu Naftiisa Weydiiyey 

Sababtee Ayay sidani ku dhacday ?

Waa Maxay waxaan oo is burin Ah ?

Waa Maxay sababta Aaanay salaadu ula falgalin dadka tukanaaya Ee Aanay U wanaajin Dhaqankooda ?

Maxaa loo kala saaraya diinta iyo noolasha ?

Sanado iyo Maalmo badan ayaa sidaas ku dhaafa , wuuna weynaada cunnugii , Waxa uu Dhadaa in su'aalihii Badnaa ee uu isweydiin jiray Markii uu Yaraa Ay keenaysay abuurista saliimka ah ee ku abuurani . waxaa uu isku dayaa in uu ballaadhiyo fahankiisa iyo daraaseynta Taarikhdii hore .

waxa uu Akhriyey dadyaw sharaf leh oo Mudan in lagu deydo , kuwaas oo aynnu kuba tilmaami karno in ay Ahaayeen Quraankii oo dhulka dulsoconaya. waa kuwo ay agtooda Diintu Ka tahay nolol , nooloshuna agtooda ka tahay diin Yacnii Raggani diinta iyo noolosha marnaba Aanay kala Saarin , sidaas marka ay tahay , waxaa uu Xaqiiqsady in Caqabadda ugu weyn ee ina heysataa ay tahay in aynaan raacin qaab nololeedkaan wanaagsan ee Ragaas ku-dayashada mudani ay ku badhaadheen .


Raadsashada, barashada iyo akhrinta qaabnololeedkii kuwii wanaagsanaa ee inaga horeeyey waa cibaado , waaba qaab ka mid ah qaababka jihaadka jidka Ilaahay , waayo kalmadii Quraanka Kariimka Ah ugu horeysay ee uu ilaahay soo dejiyey waxa ay ahayd "Akhri" Waaba Amarkii ugu horeeyey ee uu Ilaahay ina faro.

kudayashada iyo samynta camalladii wanaagsanaa ee Kuwaasi ay samayn jireen waa cibaado , waayo rumayntu waa waxa ka dhaca qalbiga ee camalka iyo shaqadun ay xaqiijiyaan . U-Gucleynta arrin iyo hawl uu  qof kale leeyahay waa cibaado , waayo waa kii rasuulka(scw) lahaa "in Aad u socoto oo Aad ka shaqayso hawl uu walaalkaa leeyhay waxa ay ka khayr badan tahay in Aad ku negaato (ictikaafto) masaajidkeyga "

sidani waxaa ina baray macalinka Basharka (محمد صلى الله عليه وسلم).

Waxaa Laga yaabaa , Tusaalaha ugu fiican ee Aynu u soo qaadan karno xaalada aynu maaanta kaga sugan nahay diinteenu, Waa Qisadii indhoolayaasha iyo maroodiga .
Dad indhoolayaal ah ayaa inta hortooda la soo taagay maroodi laguu yidhi ku garguurta oo marka Aad taabataan maroodiga Sida aad u maleynaysaan in uu kuula egyahay noo sheeg ?
Mid kasta oo ka mid ahi inta uu soo garguurtay ayuu ku dhegay meel ka mid ah maroodigii ,
dabadeetana kuwii maroodiga kaga dhegay ama qabtay addimadu waxa ay yidhaadeen "Maroodigu waa tiir/udub oo kale ." 
Kuwii ku dhegay dibkana waxa ay yidhaahdeen "Maroodigu waa xadhig oo kale " kuwii maroodiga
ku dhegay jidhkiisa kale waxa ay dhaheen "Maroodigu waa Buur oo kale ".

Waa qaabkaan oo kale qaabka ay ummaddenu u khalad-fahmeen diinteena.
Xanuunka weyn ee haleelay ummaddenu waa khalad-fahanka ka heysta macnaha guud ee diinteena islaamka .
Mid kasta oo inaga mid ahi waxaa uu qaatay oo uu ku dhegay qayb diinteena ka mid ah , sida ay indhoolayaasha midba meeshi uu ka taabtau maroodiga waxa ay u ekeyd uu ugu tilmaamay in maroodiguna u eeg yahy.
Tani waxa ay abuurtay fahan gaaban oo khalad ku ah diinta islaamka , waxa ayna caqabad ku noqotay dhaqangelinta diinta islaamka.

Dadkeenu markii aya khalad fahmeen diinta islaamla ee ay ugu dhaqmi waayeen sida ay ahayd ayay haddana qaarkood waxa ay diinta islaamka ku eedeeyeen in ay ka hortaagantahy hormar in ay gaadhaan Ka sii daran'e  Waxa ayba diinta islaamka dusha u saareen eeda dibudhacooda!


La Soco Xalqada Xigta inshaaAllah .....

Getting Info...

Post a Comment

Thanks 👋🏻
Cookie Consent
We serve cookies on this site to analyze traffic, remember your preferences, and optimize your experience.
Oops!
It seems there is something wrong with your internet connection. Please connect to the internet and start browsing again.
AdBlock Detected!
We have detected that you are using adblocking plugin in your browser.
The revenue we earn by the advertisements is used to manage this website, we request you to whitelist our website in your adblocking plugin.
Site is Blocked
Sorry! This site is not available in your country.