Maxaa keenay in dhalinyaradda badan koodu aysan shaqayn ayagoo haysta shahaadooyin sarsare⁉️
Maxaa sababa in ay dhalinyaraddu marka dhameeyeen aqoonta sare ee jaamacadda in ay ku calaacalaaan “dalku shaqo ma leh”, “shaqadii qabyaalad baa lagu bixinayaa”⁉️
maxaa sababay in dhalinyaradda qaaradda afrika ee wax bartay ey 25% u tahriibaan waddo kale⁉️
Dec 26, 1982, joornaalka Times, waxuu u aqoonsaday kumbuuterka ama laabtoobka „qofka sanadka‟ asagoo siiyey abaalmarinta sanadkaas. Kumbuuterkuna wuxuu noqday ma-noolihii ugu horeeyey ee abaal-maritaas oo kale hela. Kumbuuter-ku shaqooyinka uu qabto, waxaa ka mid ah in xog la galiyo iyo in xog lagala soo baxo.
Markaan dib u eego, sida aan wax ubarano, waa sida kumbuutarku u shaqeeyo oo kale. Macalin ku hor imaanaya ka dib, wuxuu kuu sharaxayaa aqoon ama cashar. Ka dib, imtixaan baad galaysaa, waxaa lagu weydiinayaa "sheeg waxaan kuu soo sheegay” ka dibna, natiijaa laguu soo dhajinayaa, 85% a yaad sheegtay, waxaan kuu soo sheegay.
Ka dibna shahaado ayaa lagu siinayaa. Su'aashu waxay tahay, maxaad kaga duwan tahay kumbuuter-ka, sababtoo ah kumbuterka xog baa la baraa, ka dibna, waa la weydiiyaa sida google?
Muddo 3 sano iyo 2 billod ah, ayaan baaraye, in aan ogaado sida ay u shaqayso, waddada aqoonta ee i gaarsiinaysa hadafka aan hiigsanao. Waxaa ii soo baxday qaaciddo aan u bixiyey "wadada daahsoon ee aqoonta‟
waxay ka kooban tahay 3 tilaabo: ogaansho, karkarin iyo saamayn.
1️⃣ Ogaanshuhu waa in aad barato aqoonta aad u baahan tahay si aad u xaqiijiso hadafka aad rabo in aad gaarto. Aqoontu waa labo nooc; aqoonta caadigaa iyo aqoonta aad adigu is-barto.
"waxbarashadda caadigaa waxay kuu abuuraysaa nolol-maalmeed, balse in aad wax isbarto, waxay kuu samaynaysaa hodantimo‟ -Jim Rohn. Maxaa loo bartaa aqoonta? waxaa loo bartaa in aad isku diyaariso fursad kuu imaan doonta si aan uga faa'iidaysatid.
2️⃣ Karkarin. aqoontii aad baratay, waa in aad karkarisaa, si ay u dhasho wax la yiraahdo “xirfad”
3️⃣ Saamayn, xirfaddii aad abuurtay, waxay kuu horseedaysaa hormar dhaqaale iyo in aad noqoto qof ku filan nafsadiisa.
Nasiib-darro, dhalinyaraddu badankoodu, ayagoo aqoon bartay kaliya balse aan lahayn xirfad, ayay doonayaa in ay nolol fiican abuuraan. Nolosha fiicani waa saamaynta ka dhalanaysaa xirfadda aad leedahay. Dhalinyaraddu badankoodu ma helaan shaqo, sababtoo ah, waxay taagan yihiin tilaabada 1-aad oo ah Ogaansho, in aad shaqo abuurataa ama aad heshaana waa in aad taagan tahay tilaabadda 2-aad oo ah, karkarin - aqoon oo isu badalaysa xirfad.
Nolosha fiicaan ee aad ku haminaysana, waxay taalaa tilaabadda 3-aad oo ah saameyntii ka dhalatay xirfadda aad leedahay. Haddii aad aqoonta u kaydisid sidii kumbuyuuterkii oo aadan karkarin una badalin xirfad, waxaad la mid noqonaysaa kumbuuter miis dul-saaran!!!
Aqoontu ma ahan awood balse aqoonta la karkariyey ee la bisleeyay ayaa awood ah. Hal-ku-dhigeenii hore, wuxuu ahaa," aqoon la'aan waa iftiin la'aan," hal-ku-dhigeena cusubna,waa, "xirfad la'aan waa xarago la'aan."
