FACA TEKNOOLAJIYADDA
Aadamuhu waxa uu u isticmaalaa baraha farsamaati (teknolojiyadeed) si uu ugu fududaysto hawlihiisa nololeed ee maalinlaha ah. Sidaas daraadeed teknoolojiyaddu waxa ay noqotay mid dhinac walba noloshiisa muhiim uga ah. Baraha farsamaati waxa ka mid ah internetka oo loo isticmaalo in xogo la isku dhaafsado, laakiin internetku waxa uu qofka dhaxalsiiya kelinimo ay keento qabatimidda adeegsiga internetka. Intaas waxaa dheer oo internetku keenaa, in qofku uu ka siibto waaqica nololeed, isla markaana ay dabargo'aan xidhiidhadii ka dhexeeyay qofka iyo qoyskiisa.
Tobankii sano ee ugu danbeeyay waxaa soo awaalbaxay oo hanaqaaday jiil ka geddisan jiilashii ka horreeyay, marka laga Eegayo jiil walba saamaynta taagantiisa iyo aayatiinkiisa danbe Waxa ay caddeeyeen daraasado dhawr ahi, in fahanka iyo doonitaanka jiilkan la khalad jiheeyay. Waxa ay isku raaceen darasado badani, in isticmaalka aan isu dheelligatirnayn ee internetku uu keeno qabatin xad'dhaafa.
Saynisyahanad reer-Maraykan ah oo Cilminafsiga ku takhasustay oo la yidhaahdo Kampry Yang, laguna tiriyo dhakhaatirtii Cülminafsiga ugu horreeyay ee dersa qaababka loo la qabatimo internetka ayaa sheegtay, in haddii la isticmaalo mareegta internetka in ka badan 38 saacadood toddobaadki, ama shan saacadood maalinkii in uu keeno qabatin, isla markaana qofka isticmaalaya ay dhaxalsiiso natiijo halis ah oo aan u wacnayn noloshiisa.
Maxaa keena qabatinka internetka ?
Waxa ay diktooraddu bayaamisay waxyaabaha keena qabatinka internetka, waxa ayna ku soo ururisay dhowr sababood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah:
- Internertku Maadaama uu yahay wax inaga dahsoon oo aynnu ka raacdaynno xogo kala duwan, waxa uu inagu sababaa in aynnu helno shucuur xad'dhaaf ah, oo qofku moodo in uu isagu wax maamulayo.
- Qofka in badan adeegsada internetka maadaama uu yahay wax mar walba la helayo, ayna ka buuxaan waxyaabo maad iyo madadaalo leh oo qofku uu raaxo ku dareemayo, ayna u dheer ahay in internetku uu yahay bar laga helo raynrayn oo meel walbo laga helayo. Waxa ay taasi qofka ku keentaa in uu ka madhussado xaqiqada waaqica ah oo uu galo nolol khaayaali ah.
- Qofku marka uu in badan qabatimo adeegsiga internetka, waxa ka lunta kalsoonida, waxa uuna ka qaloodaa la- macamilka iyo soo-dhexgalista bulshada.
- Qabatinka internetku waxa uu keenaa in uu qofku metelo qofnimo khiyaali ah oo uu ka helo internet ka dhexdiisa, taas oo u sawirta in uu helayo waxyaabihii noloshiisa caadiga ahayd ka dhinaa.
Calaamadaha lagu aqoonsado qofka qabatimay internetka
Calaamadaha ugu waaweyn ee lagu aqoonsado qofka qabatimay internetku, waa in uu dayaco waajibkiisii bulsheed, qoyseed iyo kiisii shaqeed, isticmaalka internetka awgii.
Ka sii darran'e, iskaba daa in qofka qabatimaa uu dhaado xilli wakhtigu uu dhaafay'e, waxa uu walwal iyo walbahaar daran dareemaa marka uu internetku ka go'o, waxa uu gaadhaa heer uu buufis qaado, tanina waxa ay timaaddaa marka qabatinku uu xadhkaha goosto.
Daraasado
Daraasadihii ugu muhiimsanaa ee dhowaanahan laga sameeyay waddamada Carbeed waxa ka mid ah, daraasadihii ay sameeyeen shirkadaha Booz & co iyo Google. Waxa ka qaybqaatay daraasaddan saddex kun oo dadka isticmaala internetka ah oo ku kala sugan sagaal dawladood oo ay ka mid yihiin Sucuudiga, Imaaraadka, Gadar, Kuweyt, Masar, Baxreyn, jasaa'ir (Algeria), Lubnaan iyo Urdun, da'dooduna ay u dhexayso 15 jir ilaa 35 jir, loona yaqaanno Faca Qabatimay Elektarooniga Ee Carbeed.
Facani waxa uu u kordhayaa si xawli ah, waddamada Carbeed, sannadkiiba facani waxa uu kordhaa xaddi ah 11%, 00 marka la barbardhigo korodhka dunida oo dhan noqonaya 7%.
Qodob muhim ah oo ka mid ah natiijooyinkii darasaddas ayaa tibaaxaya, in 83% ay maalinle u isticmaalaan internetka. 40% ka mid ah dadkaasi, ugu yaraan shan saacadood bay isticmaalaan internetka maalintii. 61% afartankaas ka sii mid ahina, waxa ay baraha bulshada isticmaalaan wax ka badan laba saacadood.
87% waxa ay internetka ka doorbidaan daawashada telefishanka. 80% ka mid ah dhallinyarada waxa ugu horreeya ee ay qabtaan marka ay hurdada ka kacaan waa in ay furaan taleefannadooda, waxa ayna u haystaan kuwani haddii taleefanku uu ka lumo in ay dhacday hoog iyo haydaaro.
Waxaa daraasaduhu caddeeyeen in jiilkani uu saamayn ku sii yeeshay dhinacyo kala duwan oo nolosha ah, sida: bulshada, diinta, waxbarashada iyo danta guudba. 44% ka mid ahi waxa ay xaqiijiyeen in ay asxaabtooda si toos ah waqti kooban ula kulmaan, se ay baraha bulshada muddo aad u dheer kala xidhiidhi karayaan. Ma aha wax lala yaabo, oo baraha bulshada ayaa noqday suuq uu maalinkaas oo dhan qofku dhexjoogi karo, waxyaabo kala geddisan oo lagu soo bandhigana uu ka heli karo, qofkuna in uu ku dhexnoolaado uu jeclaysanayo.
Balse haddana dhanka diinta, saamayn badan oo togan ayuu internetku yeeshay, oo badiba baaqsidayaasha diimeed (culimada diinta) ee waayahani baro rasmi ah ayay samaysteen, taas oo la isku wadaraacay in ogaalka diimeed ee bulshada ay kor u qaadday. Iyada oo haddana dhanka kale isufuran fekradeed uu dhacay, in badanna ay tuhun iyo xog qushqush u horseedday bulshada, haddana saaxadda loollanku way oogan tahay.
Dhanka dawladeedna
Dhanka dawladeedna saamayn ugub ayay ku keeneen barahaas bulshada ee baahay, oo waxa ay dalalki ku qasbanaadeen in ay la jaanqaadaan bulshadoodaas dhanka internetka uga dheeraysay, taas oo dawladdii gelisay dibucusboonaysiin.
Dhanka waxbarashada
Dhanka waxbarashada, waxa uu internetku ku yeeshay saamayn ah, in dadkii ay ku qanci waayaan hannaanka wax loo dhigayo ee dibdhacsan, ayna sameeyaan dhaqdhaqaaq ay iyagu ku raadsanayaan aqoon. Daraasad 2007 lagu sameeyay heerka ay dalalku ka marayaan sayniska iyo xisaabta, degaannada Carbeed kuwayawga ugu liita ayay ahaayeen, iyada oo haddana adeegsiga baraha bulshada iyo internetka dalalka Carbeed ay kula tartamayaan dalalka reer-Galbeedka, gaar ahaan dhanka haasaawaha, madadaalada, dheelaha iwm, halka uu 20% kaga dhacayo caalamka Carbeed marka lagu dhereriyo Galbeedka dhanka waxbarashada iyo aqoon korodhsiba.
Maxaa Daawo U Ah ?
Qabatin waliba waxa uu leeyahay daaweyn, daawaduna waxa ay timaaddaa marka iimaan iyo yaqiin run ahi ay ka timaaddo gudaha qofka daawada doonaya.
Waana wax raadkiisu uu kaa dhammaanayo haddii uu Alle ka dhigo. Ilaahay isaga oo ka warramaya sida uu isbeddelku ku yimaaddo waxa uu yidhi:("إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنْفُسِهِمْ") الرعد: ۱۱
"Ilaahay cidna ma dooriyo ilaa ay iyagu waxa nafohooda kujira doorshaan."
Marka aynnu ka hadlaynno qabatinka internetka iyo dhibaatadiisa, ma lihin aynnu iska joojinno internetka oo dhan, se waxa aynnu leenahay, aynnu internet-ka u isticmaalno si dhexdhexaad ah oo ujeeddo cayiman leh, haddii aynnu qaab misaaman oo ujeeddo cayiman leh u isticmaalno internetka waxa ay inaga caawinaysaa in aynnu hawleheenna u dhammaysanno si waafi ah.
Maxaa La Gudboon Waalidka?
Waa in ay Aabayaashu shuruuc iyo xuduud uga dhigaan internetka carruuratooda, waliba marxaladda xaasaasiga ah ee noloshooda. Caalamkan aynnu ku nool nahay waxa uu isu beddelayaa si xawli ah, waxa aynnu markhaati ka nahay, soo- bixidda jiil cusub oo leh himilooyinkiisa iyo filashooyinkiisaba, haddii aynnu fahanno jiilkan waxa aynnu awoodaynaa in aynnu ka dhigno kuwa ugu wacan ee bulshada u jiheeya dhanka toosan ee ay ku badhaadhayaan if iyo aakhiraba. Haddii aynaan dhinaca wanaagsan u jihaynin waynnu ka shallayn doonaa. Jilkan cusubina waxa ay noqonayaan kuwo aynnu dayacnay tamartooda, isla markaana u adeegsada si taban oo ay ku waxyeellaynayaan nafahooda iyo nafaheennaba tamartaasi waxa ay iska baddelaysaa tamar hagaagsan oo dhisan, waxa ayna isu beddelaysaa mid wax fasahaadinaysa oo wax burburinaysa.
