Habeen iyo maalin kasta waxaa ku dhaca maankeenna malaayin xogo ah oo kala duwan, kuwaas oo la i noo soo mariyo saxaafadda qaybaheeda kala duwan ee maqal iyo muuqaalba leh, iyo guud ahaanba baraha bulshada. Ujeeddada xogahan la i noo la wadaagayaana, waa in dad asaaggeen ahi ay afduubtaan caqligeenna, oo ay u qaabeystaan sida ay doonayaan!
Haddaba
Waa Maxay doorka ay arrintaasi ku leedahay samaysanka caqliga?
Sidee ayay arrintaasi saamayn ugu yeelan karaan go'aan qaadashada qofka?
Daraasado
Daraasado aan hore loo samayn oo dhowaan uu sameeyay macadka dersa arrimaha maskaxda ee la yidhaahdo "Max Black Institute" ayaa lagu sheegay, in go'aannada aynnu damacno in aynnu qaadanno uu garaadka maweeleeyaha ahi qaato toddoba ilbidhiqsi ka hor inta aanu garaadka weeleeyaha ahi qaadanin.
Qaabka deraasaddan loo sameeyay ayaa ahaa: Dadkii la soo xulay ee deraasadda lagu samaynayay, in la kala dooransiiyay in ay labadooda gacmood mid ka ay doonaan ay ku taabtaan badhan(button) hortooda yaalla, qalab casri ah ayayna dadkii deraasadda waday ku ogaadeen gacanta ay ku taabanayaan badhanka toddoba ilbidhiqsi ka hor inta aanay go'aanba gaadhin.
Sidee ayuu ku dhacay arrinkaasi?
Buuni (professor) cilmiga Biyoolojiga aad ugu takhasusay oo la yidhaahdo Bruce Libton, waxna ka dhiga jaamacadda Stanford, ayaa ku tilmaamay maskaxdu in ay tahay sida kumbiyuutar weyn oo lagu kaydiyay macluumaad badan oo isugu jira dhaqammo, dabeecado, fikrado, aragtiyo iyo caadooyin kala geddisan, waxaana maskaxda lagu kaydiyaa macluumaadkaas guyaasha ugu horreeya ce nolosheenna. Isaga oo sii faahfaahinayana waxa uu sheegay in qofku uu leeyahay laba caqli: caqliga weeleeyaha ah iyo caqliga maweeleeyaha ah.
Caqliga weeleeyaha
Caqliga weeleeyaha ahi, waa mid u fekera si xora, kana masuul ah arrimaha u baahan in si macquul ah looga fekero. Waxa uu fekeraa 40 bit halkii ilbidhiqsi. Bit waa koranteed (digital ah) Ee lagu cabbiro xawaaraha kumbiyuutarka iyo isgadhsiinta.
Caqliga maweeleeyaha
Caqliga maweeleeyaha ahi, ma awoodo in uu ka fekero waxyaabo cusub, keliya waxa uu ku shaqeeyaa ama uu ku go'aan qaataa xogihii hore ugu kaydsanaa, waxa uu u iswad (automatic) ah oo aad moodo in lagu sii shubay barnaamij (programing). Qaabka uu caqliga hurdaa u shaqaynayaa waxa uu salka ku hayaa dhaqammadii, dabeecadihii, fekradihii iyo xogihi hore loogu sii kaydiyay. Xawaaraha uu jaro fekerka cagliga maweeleeyaha ahi waxaa lagu qiyaasaa 50 milyan oo bit halki ilbidhiqsiba. Tani waxa ay i noo caddaynaysaa, in caqliga hurdaa uu ka dheereeyo oo uu ka awood badan yahay caqliga soo jeeda.
Saynisyahannadu waxa ay sheegeen, go'aannadeenna caado ahaaneed, dhaqan ahaaneed, caadifad ahaaneed, dareen ahaaneed iyo felcelin ahaaneedba, in ay 95-99% ku xidhan yihiin shaqada ka socota garaadka maweeleeyaha ah. Intaas waxa sii dheer, caqliga hurdaa waxa uu maamulaa dhaqdhaqaaqa wadnaha, wareegga dhiigga, neefsashada degdegga ah iyo dhammaan shaqooyinka aanu qofku go'aankeeda lahayn..
Tusaale
Tusaalaaha ugu weyn uguna wanaagsan ee aynnu ku kala fahmi karno garaadka weeleeyaha ah iyo garaadka maweeleeyaha ahi, waa marka qofku uu wax cusub baranayo, sida dareewalnimada oo kale. Maalmaha hore marka uu qofku baranayo dareewalnimada, waxa ku adkaata ama dhibta in uu shaqo kale qabto.
Marka uu ku gudajiro wadista gaadhigii uu baranayay, ma awoodo in uu qof telefoon kula hadlo, in uu hareeraha çego ama xataa in uu qofka la socda la sheekaysto, laakiin marka uu muddo wado gaadhiga ce uu caadi ula qabsado, dareewalnimadu waxa ay u noqonaysaa caado ka mid ah caadooyinkiisa. Waxa u fududaata in uu isku qabto dhawr hawlood halmar, sida in uu farriin qof u diro, in uu qof moobilka kula hadlo ama in uu sheekayn karo isaga oo gaadhiga wada. Haddaba maxaa isbeddelay?
Waxa isbeddelay, markii aad bilawday barashada xirfadda dareewalnimada, waxa ay ahayd xirfaddani xog aan hore ugu jirin garaadkaaga maweeleeyaha ah, dabadeed si xirfaddii cusbayd loo barto waxa khasab noqonaysa garaadkii weeleeyaha ahaa in uu qabto xogtan oo ficil uu u beddelo, marka uu garaadkii weeleeyaha ahaa hawshan ku cusub qabtayna, waxa ku adkaatay in uu shaqooyinkiisii caadiga ahaa ee uu hore u qaban jiray qabto - oo yacnii wuu cuslaaday - waadigaa isticmaali kari waayay moobilki, Ee sheekayn kari waayay, ee jeesjeesan kari waayay. Waa sababta markii aad bilawday barashada xirfaddan kugu cusub aad u dareentay caqabadahaas.
Markii danbe ce aad ayaamo ku celcelisayna waxa dhacday, in xirfaddii cusbayd ee dareewalnimada uu duubtay oo lagu birogaraamiyay garaadkaagii maweeleeyaha ahaa, dabadeetana garaadkaagii maweeleeyaha ahaa waxa uu la wareegay shaqadiisii, garaadkaagii weeleeyaha ahaana culayskii ayaa ka dhacay oo waxa uu kansho (fursad) u helay in uu ku foofo shaqadiisii caadiga ahayd oo keliya, yacnii; culayskii ayaa ka degay.
Sidee ayaa loo birogaraamiyaa garaadka maweeleeyaha ah?
Sida keliya ee lagu birogaraamiyo garaadku, waa ku- celcelinta. Waxa keliya ee nafta qofka wax lagaga beddeli karas, waa ku-celcelinta ee ma aha caqligalnimada. Shay marka aad ku celceliso uma baahna ka-fikrid danbe, wax kasta oo aad ku celcelisaa waxa uu gelayaa maankaaga qaybtiisa maweeleeyaha ah. Gurigaaga ayaad ka soo baxdaa adiga oo gaadhigaaga wata ama lugaynaya, adiga oo aan dareemin oo ka fekerin waddada aad mari lahayd iyo halka ay kaa xigto goobta aad u socotay ayaad si dabiici ah isaga tagtaa!
Waa sidaas oo kale dhaqammada, anshaxyada caadooyinka iyo dabeccadaha qofku uu sameeyo noloshiisa.
cibaado
Waxa kale oo cilmiraadiyayaashu ay ogaandeen, in cibaadadu ay saamayn togan ku leedahay qofka maankiisa. Waxa ay leeyihiin qofku marka uu khushuucsan yahay waxa ifta qayb maskaxda ka mid ah, qaybtaas oo ah qaybta qaabilsan dareennada, mashaacirta, kaydinta xasuusaha iwm. Sidaas darteed; waxa la caddeeyay in khushuucda iyo iimaanku ay awood u lleeyihiin in ay saamayn ku yeeshaan garaadka maweeleeyaha ah, waxna ay ka beddelaan caadooyinka soojireenka ah ee uu qabatimay, isla markaana ay ku birogaraamin karaan xogo iyo dhaqanno cusub, si loo abuuro hab nololeed cusub.
Garaadka maweeleeyaha ahi wuu ka awood badan yahay kana dhakhso badan yahay garaadka weeleeyaha ah. Dhammaan waxyaabaha ku kaydsan ce isugu jira akhlaaq, caqiido, ficillo iyo caadooyinna, waa midhaha xogihii aynnu bilawgii ku kaydinay caqligeenna. Dhammaantood innaga ayaa oggolaanay in ay galaan oo ay ku kaydsamaan caqligeenna hurda (maweeleeyaha ah). Sidoo kale; innaga ayaa maskaxdeenna ku quudinay oo ka waraabinay waxa ay arkayaan indheheennu iyo waxa ay maqlayaan dhageheennu markii aynnu daaqgeynay indhaheenna iyo dhagaheenna. Taasi waxa ay sharraxaysaa sababta denbiyada badan iyo macsida badani agteenna uga noqdeen wax iska caadi ah oo aan sida ay ahayd looga dhiidhiyin ama looga khajilin.
Waxa cajiib ah, maxaynnu ula dagaallanaa oo aynnu isaga celinnaa qofka qashinka ama waxyaabaha wasakhda ah ku soo daadiya gurigeenna agtiisa ama xal ku soo quba gurigeenna hortiisa, innaga oo aan il qalloocda ku eegin ama aan dhaaddanaynba kuwa maalin walba xogaha qashinka ah ku daadiya maskaxdeenna, adiga oo waliba ku raaxaysta oo leh, waan ku gadhaynayaa oo wakhtiga ayaan isku dhaafinayaa?!
Waa maxay sababta aynnu maskaxdeenna uga dhignay mid furan oo bilaa waardiye ah oo wax kasta oo xamaarta ama lugo ku socdaa ay ugu daadiyaan waxa ay doonaan?!
Halkaas waxa aynnu ku fahmaynaa sababta aynnu u noqonnay kuwo dunuubta la saaxiib ah. Marka denbigu uu noqdo mid caado u ah ama ay la qabsadaan dadku, waxa meesha ka baxaysa in laga khajilo, laga murugoodo, lala dhuunto ama in la karaahiyaysto.
Haddaba; halkaas aynnu dul'istaagno, ee ma odhan karnaa garadkeenna maweeleeyaha ahi waa qareen inala socdaba?
Qareenkaas oo ah mid aynnu ku abuuranay camalladeenna xunxun iyo falalkeenna aan ammaannayn ee aynnu ku celcelinay, ayaa i noo noqdayba qareenkii inala socday ce sharwadaha ahaa."
Si kale haddii aynnu u sii sharraxno,
waa maxay sababta bisha Ramadaan ee la xidhxidhay shaydaannadii, ay haddana dad badani ugu janjeedhaan dhanka denbiyada?!
Sababtu wax kale ma aha, ee qareenka aan dadka ka faaruqin ayaa dadka u jiidaya dhanka xumaha, waayo; waxa uu ugu yeedhayaa habnololeedkii uu qofku ku soo noolaa noloshiisii.
Masuuliyadda bulshadeenna
Masuuliyadda bulshadeenna saarani waxa weeye, in ay sameeyaan degaan caawinaya samaysanka caqli wanaagsan oo aan ka baydhayn dhalankii (fidradii) uu Ilaahay ku abuuray.
Dagaalka Fekerka
Dagaalka ugu weyn ee ummad soo waajahi karaa ma aha dagaal dhulqabsi ah, ee waa dagaal maanqabsi! Dagaalka maanqabsigu ma aha shacab lagu beddelayo shacab kale, ee waa feker lagu beddelayo feker kale, aragti iyo mabda' lagu beddelayo aragti iyo mabda' kale, iyo caqiido lagu beddelayo caqiido kale. Basharku waa quwadda uu Ilaahay dhaxalsiiyay dhulka. Degaanka ama dhulkuna wuu ku qasban yahay inuu raaco amarkiisa, haddii aad rabto in aad ummad qabsato, fekerkeeda qabso, ka dibna waxa aad arkaysaa khayraadkeedii oo bilaash laguugu keenayo ama lagugu siinayo'e.
